Maxaa maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya? + Sawirro
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, xoojinta dowladnimada iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada amniga, maamul

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka socday bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dhammaystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, xoojinta dowladnimada iyo horumarka laga sameeyey dhinacyada amniga, maamul wanaagga iyo hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay bulshada rayidku ku leeyihiin dhismaha dowlad casri ah, ilaalinta midnimada qaranka iyo kobcinta ka qaybgalka shacabka ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha hay’adaha dowladda, horumarinta adeegyada bulshada iyo xaqiijinta hannaan doorasho oo toos ah, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan