Midowga Yurub oo Xasan iyo mucaaradka u diray dalab la xiriira xiisadda siyaasadeed
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub [R

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon loogu xallin karo murannada siyaasadeed ee taagan.
Danjire Di Mauro ayaa sheegtay in Midowga Yurub aanu qaadanayn mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo, balse uu xoogga saarayo sidii dhinacyada isku haya arrimaha doorashooyinka loogu qancin lahaa inay miiska wada-hadalka dib ugu soo laabtaan.
“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjiraha Midowga Yurub, iyadoo xustay inay aaminsan yihiin in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-xaajood iyo is-afgarad laga gaaro arrimaha muranka dhaliyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan