Museveni oo mar kale loo dhaariyay Madaxweynaha Uganda
Kampala — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilkiisa cusub Talaadadii, kadib xaflad caleema-saar oo si weyn loo agaasimay oo ka dhacday caasimadda Kampala, taasoo ay ka soo qeyb galeen madax goboleed, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala yimid qaaradda Afrika. Museveni ayaa markan xaqiijistay muddo xileedkiisii toddobaad, […]

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilkiisa cusub 13-kii Maajo 2026, kadib doorasho uu ku guuleystay 71% codadka.
Maxaa la shaaciyey
- Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaanta siin doonto xoojinta dhaqaalaha Uganda.
- Musharraxa mucaaradka Bobi Wine ayaa helay 24% codadka, taasoo muujisay tartan siyaasadeed oo adag.
- Xafladda caleema-saar ayaa si weyn loo agaasimay, iyadoo amniga la adkeeyay.
Macnaha guud
Madaxweyne Museveni ayaa mar kale loo dhaariyay xilka kadib doorasho la qabtay 15-kii Janaayo.
“Dowladdiisu ay mudnaanta siin doonto, Xoojinta dhaqaalaha Uganda.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay xiiseynayaan isbeddelada siyaasadeed ee gobolka Bariga Afrika.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kampala — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay xilkiisa cusub Talaadadii, kadib xaflad caleema-saar oo si weyn loo agaasimay oo ka dhacday caasimadda Kampala, taasoo ay ka soo qeyb galeen madax goboleed, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala yimid qaaradda Afrika.
Museveni ayaa markan xaqiijistay muddo xileedkiisii toddobaad, kadib doorasho la qabtay 15-kii Janaayo, taas oo uu ku guuleystay isagoo helay 71% codadkii la dhiibtay. Musharraxa mucaaradka Bobi Wine (Robert Kyagulanyi) ayaa helay 24% codadka, taasoo muujisay tartan siyaasadeed oo aad u adag, inkastoo natiijada ay si weyn uga hadleen mucaarad iyo taageerayaal kala aragti duwan.
Isagoo la hadlayay martida iyo shacabka, Yoweri Museveni ayaa sheegay in dowladdiisu ay mudnaanta siin doonto, Xoojinta dhaqaalaha Uganda, Ballaarinta iskaashiga gobolka Bariga Afrika, Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo Dardar gelinta isbeddelka dhaqaalaha
Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida gudaha iyo iskaashiga gobolka, xilli Uganda ay door muhiim ah ku leedahay siyaasadda Bariga Afrika.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan