Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh sameeyay maanta?
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabadda lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkaas taariikhiga ah ee horseedka u ahaa halgankii gobannimo-doonka dalka. Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qa

Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha SYL si loo xuso 83-guurada aas-aaska ururkaas.
Maxaa la shaaciyey
- Munaasabadda ayaa ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qaranka.
- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad ka jeedin doona doorka dhallinyarada SYL ee xorriyadda dalka.
- Wasiir ku-xigeenka dhallinyarada iyo ciyaaraha, Dahabo Suusow, ayaa xustay in dhallinyarada looga baahan yahay inay ilaashadaan midnimada iyo qaranimada dalka.
“Waxay tilmaantay in jiilka cusub looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo qaranimada dalka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Munaasabaddan waxay muujinaysaa muhiimadda dhallinyarada Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aaddan dib u dhiska dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubax xusuuseed dhigay taallada dhallinyaradii halgamayaasha ahaa ee SYL, munaasabadda lagu maamuusayay 83-guurada kasoo wareegtay aas-aaskii ururkaas taariikhiga ah ee horseedka u ahaa halgankii gobannimo-doonka dalka.
Munaasabadda oo ka dhacday fagaaraha taallada SYL ee ku taalla agagaarka Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir, xubno ka socday ururrada dhallinyarada iyo bulshada rayidka ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomay ubaxa xusuusta ah ayaa si rasmi ah u dhigay taallada, iyadoo la filayo inuu khudbad ka jeediyo munaasabadda, taas oo uu diiradda ku saari doono doorkii ay dhallinyaradii SYL ku lahaayeen xorriyaddii dalka iyo muhiimadda ay leedahay in jiilka maanta uu ka dhaxlo waddaniyaddii iyo midnimadii ay ku caanbaxeen halgamayaashaas.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in sidoo kale ka hadlo xaaladda ay maanta ku sugan yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed iyo kaalinta looga baahan yahay inay ka qaataan dib u dhiska dalka, ilaalinta dowladnimada iyo horumarinta nabadda iyo wadajirka bulshada.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan