Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Muxuu salka ku hayaa safarka uu Xamse ku tagi doono Laascaanood?
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda soo gaaro magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari.
Ciidamada ilaalada Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa.
Safarka Xamse ee Laascaanood oo noqonaya kii saddexaad ayaa la sheegay in uu salka ku hayo arrimaha ciidamada maamulkaas oo Dowladda Federaalka doonayso in ay ka dhigto ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka.
Shalay waxaa magaalada Laascaanood soo gaaray Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya Gen. Khaalid Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.