Nin ku eedeysan dil ka dhacay Mudug oo la qabtay
Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Sakariye Cabdiqaadir Xirsi oo ku eedeysan in uu habeen hore… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Waxa muhiimka ah
- Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in Sakariye Cabdiqaadir Xirsi la qabtay.
- Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Dudun oo ka tirsan gobolka Doollo.
- Dilalka qabiilka ayaa ku soo badanaya gobolka Mudug.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Taliska qaybta booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in la qabtay Sakariye Cabdiqaadir Xirsi oo ku eedeysan in uu habeen hore dilay marxuum Cabdiraxmaan Xasan Yuusuf, dilkaas oo ka dhacay deegaanka Tuulo-Xabiibo ee gobolka Mudug.
Booliska Mudug wuxuu sheegay in eedeysanaha laga soo qabtay deegaanka Dudun oo ka tirsan gobolka Doollo ee ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanaha ayaa la tilmaamay in ay ka qayb qaateen ehellada eedeysanaha iyo ciidamada ammaanka gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dhanka kale waxaa weli lagu guuleysan qabashada ciddii dishay ganacsade Sheekh Axmed Yuusuf Faarax (Haamay), kaas oo 8-dii bishan lagu dilay magaalada Gaalkacyo.
Gobolka Mudug waxaa muddooyinkii dambe ku soo ku soo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo sababay dilka dad badan oo waxgarad ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · eedeysan · mudug · qabtay