Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จo ๐ค๐ ๐ช๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ฌ๐๐ง๐๐-๐ ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐๐๐ ๐-๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข ๐๐๐ซ๐ข
Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood. Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Raโiisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba [&#

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood.
Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Raโiisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba u hano-qaaday, isaga oo u qirey Waqooyi Bari ka maamul ahaan wax badan u qabsoomeen, tahayna in shacabka ay ku faro adeegaan. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ka goโantahay tabantaabinta Waqooyi Bari oo uu xusey in ay tahay astaan midnimo.
Raโiisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka reer Waqooyi Bari meel walba ay joogaan dal iyo debbadba, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay ku tilaabsatay halkaa sanno oo uu jiray maamulka Waqooyi Bari.
โDeegaankaan dad geesiyaal ah ayaa kasoo jeeda, ummadda Soomaaliyeedna raadkaasi ayey daba socdaan, muddo dheer oo uu dagaal ku jiray, haddane ku socdo waa sababtaasi, meel fog baad dadka Soomaaliyeed ugu qorontihiin, hormuudna waa u tihiinโ ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.