Puntland: Gaadiid biyo kula tageen Ceeldaahir
Saddex gaari ayaa xalay biyo kula tageen togga Durdur ee mara deegaanka Ceeldaahir degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Saddex gaari ayaa xalay biyo kula tageen togga Durdur ee mara deegaanka Ceeldaahir degmada Carmo ee gobolka Bari, kaas oo daadad ku soo rogmadeen.
Dadkii gaadiidkaas watay ayaa laga soo badbaadiyay biyaha, kaddib markii ay gurmad u sameeyeen dadka deegaanka iyo dad ku safrayay wadada oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan Puntland.
Baabuurta biyuhu la tageen waxay labo ka mid ah ahaayeen kuwa xamuulka qaada, halka midka kalana uu ahaa gaari yar oo watay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntand Col. Siciid Nuur Shire, sida uu sheegay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Karkaar, Bashiir Nayn oo ka mid ahaa gurmadka.
Isu socodka deegaannada Puntland ayaa xalay ilaa saaka weli u xiran togga Durdur oo ay ku soo rogmadeen daadad badan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan