Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Qaramada Midoobay oo ku baaqday iskaashi lagu xoojinayo amniga Soomaaliya

Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taageerada isbeddelka amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala dalka Soomaaliya. Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya u baahan tahay, halkaas oo ay ku kulmeen Safiirka […]

SO
Sawir war oo la xiriira Qaramada Midoobay oo ku baaqday iskaashi lagu xoojinayo amniga Soomaaliya
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday iskaashi caalami ah si loo xoojiyo amniga Soomaaliya.

Maxaa la shaaciyey

  1. Qaramada Midoobay waxay muujisay in taageerada amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah.
  2. Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Qurat ul-Ain Sadozai, ayaa ka wada hadlay taageerada UNSOS.
  3. Boqortooyada Ingiriiska ayaa dib u xaqiijisay sida ay uga go'an tahay wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah.

UK ayaa sidoo kale tilmaantay in iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada Soomaaliya uu muhiim u yahay sidii loo taageeri lahaa “safarka Soomaaliya ee ku aaddan nabad iyo amni waara.

Charles King, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Qurat ul-Ain Sadozai, Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Muqdisho
2026-05-20

Sababta ay muhiim u tahay: Taageerada amniga Soomaaliya waxay saameyn ku yeelan kartaa nabadda iyo xasiloonida dalka.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Muqdisho – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taageerada isbeddelka amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala dalka Soomaaliya.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya u baahan tahay, halkaas oo ay ku kulmeen Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Qurat ul-Ain Sadozai.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay taageerada UNSOS ee howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, sidoo kale waxay diiradda saareen xoojinta awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay uga mahadcelinayso UNSOS doorkeeda muhiimka ah ee ay ka qaadanayso taageerada amniga iyo howlaha nabad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyaiskaashiamniga
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.