Qarax khasaare culus gaystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya
Dhadhaab (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka Dhadhaab, waxaana […] The post Qarax khasaare culus g

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Dhadhaab (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa culus oo maanta ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay agagaarka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ay u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay duleedka Dhadhaab, waxaana lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu si gaar uga dhacay waddo ku taal deegaan hoostaga xadka labada dal, iyada oo lasoo wariyay in gebi ahaan uu basbeelay gaariga uu qabsaday qaraxa oo ay saarnaayeen ciidan Kenyaan ah.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay ugu yaraan 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo saarnaa baabuurka la qarxiyay.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan