QM oo war kasoo saartay fashilka wada-hadalladii Xasan iyo mucaaradka
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane, kuna soo dhamaaday natiijo la’aanta. QM ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay fashilka wada-hadalladaas, maadaama ay soo dhamaadeen, iyadoo aan

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa looga hadlay fashilka ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka ee ka dhacay xerada Xalane, kuna soo dhamaaday natiijo la’aanta.
QM ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay fashilka wada-hadalladaas, maadaama ay soo dhamaadeen, iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, kadib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen arrimaha doorashooyinka dalka.
“Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada, Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa,” ayaa lagu yiri Bayaanka.
Sidoo kale, QM ayaa farriin u dirtay Dowladda Federaalka, waxayna ugu baaqday in inta lagu jiro kala guurka ay fursad siiso wada-hadallada, si loo gaaro go’aan mid ah oo looga gudbi karo xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan