Qoorqoor oo ka horyimid qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in aysan soconayn qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka heer federaal iyo heer… Sii akhri
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in aysan soconayn qorshaha Villa Somalia ee doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Qoorqoor oo maanta hadal ka jeediyay Dhuusamareeb ayaa tilmaamay in arrimaha lagu muran yahay ee doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad goboleed looga gudbi karo oo keliya wadatashi iyo wadajirka.
Waxa uu si dadban uga hadlay Liibaan Shuluq oo la sheegay in dowladda federaalka u soo xulatay madaxweynaha Galmudug, isaga oo arrimtaas ku tilmaamay dacaayad iyo wax aan jirin.
Madaxweyne Qoorqoor wuxuu sheegay in xilligan aan la joogin waqtiga koox yar ay dadka talo u soo gooyaan ama qarshahoodu shaqeeyo, taas oo loo fasiran karo in uu ula jeeday kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan