Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada, kaas oo looga hadlay dowlad-dhisidda, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka […]

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Laascaanood ku qaabilay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maalintii labaad ee uu ku sugan yahay Laascaanood uu kulan miro-dhal ah la yeeshay Isimmada, kaas oo looga hadlay dowlad-dhisidda, xoojinta nabadda iyo midnimada dalka.Wuxuu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Isimmada dhaqanku ku leeyihiin nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta dadaallada lagu horumarinayo nabadda iyo dowlad-dhiska, isagoo ugu baaqay Isimmada dhaqanka inay sii laba jibaaraan kaalintooda ku aaddan xasilloonida, wada noolaanshaha iyo midnimada dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.