Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Somali National TVgeneral

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Fadl, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah, la-dagaallanka tahriibka, iyo

SO
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Yeman
Sawir / xog muuqaal ah · Somali National TV
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Somali National TV

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yeman u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjire Fadl, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga soo jireenka ah, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama uu labada dal ka dhaxeeyo xiriir bulsho oo soo jiraan ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Yeman ay muddo dheer leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed, ganacsi iyo bulsho, kaas oo soo bilowday xilliyo fog, haddana ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sii xoojinta arrimaha amniga, ganacsiga, socdaalka dhanka dekadaha iyo cirka.

Danjiraha, oo ka mahadceliyey qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey guulaha Soomaaliya ay ku tallaabsatay ee horumarka, amniga iyo dimuqraadiyadda , dhankoodana ay ku faraxsan yihiin jidka soo kabashada ee ay haatan ku socoto Soomaaliya.

Isha: Somali National TV. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Somali National TV
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneraldowladdayemanqaabilay
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.