Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Yemen u fadhiya Soomaaliya
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama Soomaaliy

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Faadil Cali Axmed Al-Xanak.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka tahriibka, iyo arrimaha socdaalka, maadaama Soomaaliya iyo Yemen ay leeyihiin xiriir bulsho iyo mid taariikhi ah oo soo jireen ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan xiriir diblumaasiyadeed, ganacsi iyo bulsho oo fog, isla markaana ay muhiim tahay in la sii xoojiyo iskaashiga ku saabsan amniga, ganacsiga, socdaalka, iyo adeegyada dekedaha iyo hawada.
Dhankiisa, Danjiraha Yemen ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda, wuxuuna bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga, dowladnimada iyo dib u soo kabashada, isagoo muujiyay sida ay Yemen ugu faraxsan tahay isbeddelka iyo horumarka socda ee dalka Soomaaliya.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan