RUTO oo qirtay fara-gelin uu dalkiisu ku yeeshay dagaalkii Raaskambooni
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyay Telefishinka France 24 ayaa markii ugu horreysay si faah-faahisan uga hadlay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee horraantii December 2024-kii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo qiray fara-gelin uu dalkiisu ku lahaa dagaalkaasi. William Ruto ay

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa qirtay in dalkiisu uu fara-gelin ku sameeyay dagaalkii Raaskambooni ee Soomaaliya.
Maxaa la shaaciyey
- William Ruto ayaa sheegay in ay taageero u fidiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya xilligaas.
- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qaar ka mid ah ka cararay dagaalka, iyagoo isku dhiibay ciidamada Kenya.
- Dagaalka Raaskambooni ayaa sababay khasaare iyo in ciidamadii dowladda ay ka cararaan deegaanka.
Macnaha guud
Dagaalkii Raaskambooni ayaa dhacay horraantii December 2024, waxaana uu sababay xaalad adag oo ka taagan gobolka Jubbada Hoose.
““Waxaan ku qasbanaannay inaan taageerno qaar ka mid ah ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, inaan daadgureyno oo caawinno, si aan u dejinno xaaladda isla markaana loo yareeyo colaadda.””
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay fahmaan doorka Kenya ee dagaallada ka socda Soomaaliya.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyay Telefishinka France 24 ayaa markii ugu horreysay si faah-faahisan uga hadlay dagaalkii u dhexeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ee horraantii December 2024-kii ka dhacay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo qiray fara-gelin uu dalkiisu ku lahaa dagaalkaasi.
William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in ay taageero u fidiyeen Ciidanka Xoogga Dalka ee xilligaas ka firxaday dagaalka, ayna u daad gureeyeen gudaha dalkooda.
“Waxaa jiray dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland, kuwaas oo ku sugnaa xadka Kenya. Xaqiiqdii, xilligaas qaar ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xitaa lagu riixay gudaha Kenya, taasoo sii adkaysay xaaladdii horay uga jirtay halkaas,” ayuu yiri madaxweyne Ruto.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in ujeedkooda uu ayaa in xaaladda ay dajiyaan, ayna kala badbaadiyaan ciidamada, taasna ay ku guuleysteen.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan