Sagal Cabdi-Wali oo Ku Guuleysatay Kursigii Keir Starmer ee Baarlamaanka Britain
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiSagal Cabdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London, iyadoo bedeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- atiijada rasmiga ah ee doorashada, oo lagu dhawaaqay Jimcihii, ayaa muujisay in Sagal ay heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.17% codadkii la dhiibtay .
- Ka-qaybgalka doorashada ayaa gaaray 38.76%, taasoo ka hooseysa heerkii laga diiwaangeliyey doorashadii guud ee sannadkii 2024.
- Natiijadan ayaa muujinaysa tartanka adag ee ka dhex dhacay musharraxiinta, gaar ahaan loollanka ay Green Party ku gashay kursiga, ayadoo Sagal oo ku dhalatay Soomaaliya, ay carruurnimadeedii ku timid Britain iyadoo qaxooti ah, waxayna muddo dheer ku noolayd degmada Camden ee London.
- Waxay siyaasadda deegaanka ka soo gashay golaha deegaanka sannadkii 2022, halka bishii May 2026 loo doortay hoggaamiyaha Golaha Camden, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee xilkaas qabata.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu muujinayaa guul siyaasadeed oo muhiim ah oo ay gaartay Sagal Cabdi-Wali, taasoo ka tarjumaysa matalaadda bulshooyinka soogalootiga ah ee siyaasadda Britain.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Sagal ay hirgelin doonto sida xildhibaan cusub?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Sagal Cabdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London.
- Sagal ay heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.17% codadkii la dhiibtay.
- hoggaamiyaha Xisbiga Green Party, Zack Polanski, ayaa helay 8,928 cod, oo u dhiganta 32.82%.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Sagal Cabdi-Wali oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London, iyadoo ku guuleysatay kursigii uu banneeyey ra’iisul wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.
atiijada rasmiga ah ee doorashada, oo lagu dhawaaqay Jimcihii, ayaa muujisay in Sagal ay heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.17% codadkii la dhiibtay . Dhanka kale, hoggaamiyaha Xisbiga Green Party, Zack Polanski, ayaa helay 8,928 cod, oo u dhiganta 32.82%. Labada musharrax waxaa u dhexeeyey farqi dhan 3,364 cod.
Ka-qaybgalka doorashada ayaa gaaray 38.76%, taasoo ka hooseysa heerkii laga diiwaangeliyey doorashadii guud ee sannadkii 2024. Inkastoo Xisbiga Labour Party uu sii haystay kursiga, haddana farqiga guusha ayaa aad uga yaraaday kii doorashadii guud ee 2024, markaas oo Keir Starmer uu kursigan ku helay in ka badan 11,500 oo cod oo dheeraad ah musharraxa kaalinta labaad galay.
Natiijadan ayaa muujinaysa tartanka adag ee ka dhex dhacay musharraxiinta, gaar ahaan loollanka ay Green Party ku gashay kursiga, ayadoo Sagal oo ku dhalatay Soomaaliya, ay carruurnimadeedii ku timid Britain iyadoo qaxooti ah, waxayna muddo dheer ku noolayd degmada Camden ee London.
Waxay siyaasadda deegaanka ka soo gashay golaha deegaanka sannadkii 2022, halka bishii May 2026 loo doortay hoggaamiyaha Golaha Camden, iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee xilkaas qabata.
Khudbad ay jeedisay kaddib markii ay guusha gaartay, Sagal ayaa sheegtay in matalaadda dadka deegaanka Holborn and St Pancras ay macne gaar ah u leedahay, maadaama Camden uu hoy iyo fursado siiyey qoyskeeda markii ay qaxootiga ahaayeen.
Waxay sidoo kale ballanqaadday inay u adeegayso dhammaan dadka deegaanka, iyadoon loo eegin cidda u codaysay iyo cidda aan u coddeyn.
Ololaheeda doorashada ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada hoy-la’aanta, ballaarinta fursadaha dhallinyarada iyo xoojinta amniga bulshada. Arrimahan ayaa ka mid ahaa qodobadii ay xoogga saartay intii ay ku jirtay tartanka doorashada.
Guusha Sagal Cabdi-Waali ayaa u noqonaysa tallaabo cusub oo ku saabsan matalaaddeeda siyaasadeed ee Britain, iyadoo ka soo gudubtay carruurnimo ay ku qaadatay qaxootinimo una gudubtay hoggaaminta golaha deegaanka Camden, haddana ku guuleysatay kursi ka tirsan Baarlamaanka Britain.
Guusheeda ayaa sidoo kale soo jiidanaysa dareenka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Britain iyo guud ahaan dadka la socda matalaadda bulshooyinka soogalootiga ah ee siyaasadda dalkaas.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Sagal Cabdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London, iyadoo bedeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Britain, Keir Starmer.
Qodobada muhiimka ah
- Sagal Cabdi-Wali ayaa ku guuleysatay doorashadii ku-celiska ahayd ee deegaanka Holborn and St Pancras ee magaalada London.
- Sagal ay heshay 12,292 cod, oo u dhiganta 45.17% codadkii la dhiibtay.
- hoggaamiyaha Xisbiga Green Party, Zack Polanski, ayaa helay 8,928 cod, oo u dhiganta 32.82%.
- Ka-qaybgalka doorashada ayaa gaaray 38.76%.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan natiijooyinka doorashada.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid xisbiyada kale ama musharraxiin kale.
- Maqaalku ma caddeynayo cawaaqibka farqiga guusha oo yaraaday marka loo eego doorashooyinkii hore.
Gunaanadka akhristaha
Guusha Sagal Cabdi-Wali waxay calaamad u tahay tallaabo muhiim ah oo ku saabsan matalaaddeeda siyaasadeed iyo matalaadda bulshooyinka Soomaaliyeed iyo soogalootiga ah ee UK.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin siyaasadaha gaarka ah ee Sagal ay hirgelin doonto sida xildhibaan cusub?
- Sidee guusheeda u saameyn doontaa istaraatiijiyadda Xisbiga Labour?
- Maxay yihiin jawaabaha ka imaanaya dadka deegaanka ee ku saabsan doorashadeeda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu muujinayaa guul siyaasadeed oo muhiim ah oo ay gaartay Sagal Cabdi-Wali, taasoo ka tarjumaysa matalaadda bulshooyinka soogalootiga ah ee siyaasadda Britain.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · starmer · wali · guuleysatay