Sare u kaca ku yimad qiimaha guurka Muqdisho iyo doorka baraha bulshada
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii u dambeeyay, magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa ka socday olole bulsho oo culimada iyo haldoorku ku wacyigelinayeen in hoos loo dhigo qiimaha guurka, gaar ahaan meherka. Waa caqabad dhab ah oo haysata dhallinyaro badan oo doonaya inay reer yagleelaan, balse ay is-hortaag ku noqdeen shuruudo badan iyo kharashyo […] The post Sare u kaca

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii u dambeeyay, magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka waxaa ka socday olole bulsho oo culimada iyo haldoorku ku wacyigelinayeen in hoos loo dhigo qiimaha guurka, gaar ahaan meherka. Waa caqabad dhab ah oo haysata dhallinyaro badan oo doonaya inay reer yagleelaan, balse ay is-hortaag ku noqdeen shuruudo badan iyo kharashyo xad-dhaaf ah.
Dhallinyarada, gaar ahaan wiilasha, ayaa ka cabanaya sare u kaca ku yimid qiimaha guurka, iyadoo dalka ay ka jiraan dhaqaale-xumo daran, shaqo la’aan iyo weliba diyaar-garow la’aan haysata qaar ka mid ah dhallinyarada.
Meherka oo la qaaliyeeyay waa caqabadda koowaad ee taagan. Waxaa arrintan qayb ka ah qoysaska, gaar ahaan dhinaca gabadha, oo mararka qaar meherka ka dhiga wax lagu faano, halkii uu ka ahaan lahaa astaan fududeyn, naxariis iyo dhisid qoys.
Xafladaha arooska, sida kirada hoolalka qaaliga ah, hoteellada, dhar-gashiga noocyadiisa kala duwan, fannaaniinta iyo sawir-qaadayaasha, ayaa kharashka ka dhiga mid xad-dhaaf ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan