Sawirro: Shacab gacanta ku dhigay laba nin oo dil ka gaystay maanta Muqdisho
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Muqdisho (Caasimada Onlime) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa aga helayaa fal dil oo maanta ka dhacday xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda, kadib markii laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen askari dharcad ah oo ka tirsanaa ciidamada NISA oo ka howlgalayay xaafaddaasi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Labada nin oo watay mooto Fekon ayaa isku dayay inay ka baxsadaan goobta, hayeeshee waxaa si deg-deg ah falka dilka ah uga fal-celiyay dadka deegaanka oo gacanta ku dhigay eedeysanayaasha.
- Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo laba nin oo indhaha iyo gacmaha ka xiran oo ay shacabka hayaan, waxaana ugu dambeyn lagu wareejiyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
- Tallaabadan ayaa si weyn loogu boggaadiyay shacabka ku dhaqan Xamar Jadiid, maadaama ay la shaqeeyeen ciidamada amniga, ayna soo qabteen dambiileyaasha, kahor inta aynan baxsan.
- Sidoo kale arrintan ayaa xoojineysa kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga oo haatan iska kaashanaya ka hortagga waxyaabaha liddiga ku ah amniga caasimada.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Onlime) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa aga helayaa fal dil oo maanta ka dhacday xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda, kadib markii laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen askari dharcad ah oo ka tirsanaa ciidamada NISA oo ka howlgalayay xaafaddaasi.
Labada nin oo watay mooto Fekon ayaa isku dayay inay ka baxsadaan goobta, hayeeshee waxaa si deg-deg ah falka dilka ah uga fal-celiyay dadka deegaanka oo gacanta ku dhigay eedeysanayaasha.
Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo laba nin oo indhaha iyo gacmaha ka xiran oo ay shacabka hayaan, waxaana ugu dambeyn lagu wareejiyay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa si weyn loogu boggaadiyay shacabka ku dhaqan Xamar Jadiid, maadaama ay la shaqeeyeen ciidamada amniga, ayna soo qabteen dambiileyaasha, kahor inta aynan baxsan.
Sidoo kale arrintan ayaa xoojineysa kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga oo haatan iska kaashanaya ka hortagga waxyaabaha liddiga ku ah amniga caasimada.
Dhawaan ayay ahayd markii howlgal ka dhacay xaafadda KPP ee degmada Hodan lagu soo qabtay dhagar-qabe ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo doonayay inuu weerar ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Xasan Nuur Muuse, loona yaqaan Makane iyo Cali Sabti ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo ku howlanaa inuu fal amni-darro ah ka gaysto xaafada KPP ee degmada Hodan.
Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isna lagu soo qabtay Cabdisalaan Yacquub Nuur (Cabdisamad), oo ku eedeysan inuu bamb-gacmeed ku weeraray bar-koontarool ay ku sugnaayeen ciidamada amniga, kuna taalla Waaxda Xaawo Taako ee degmada Wadajir.
Soo qabashada Cabdisalaan Yacquub ayaa timid kadib howlgal degdeg ah oo ay qaadeen ciidamada amniga oo soo bandhigay caddeymo ay ku jiraan muuqaalo ay duubtay kaamirada CCTV, kuwaas oo muujinayo isaga oo ka dawarsanayo masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho, kahor inta uusan fulin weerarka.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · nin · muqdisho