Sawirro: Wararkii ugu dambeeyay ee howl-gallada culus ee ka socda gobolka Baay
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Maqaalku wuxuu sheegayaa howl-gallo culus oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab, ka wadaan gobolka Baay iyaga oo beegsanaya farriisimaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Danab ayaa waxaa lagu sheegay in howlgallada oo isugu jiro nadiifin iyo burburin ay ka socdaan aagga deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco oo u dhow degmada Buurhakaba oo haatan ay ku sugan ciidamada Laftagareen.
- Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Danab.
- “Hawlgallada socda ayaa muujinaya cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxaha nabad-diidka ah, kuwaas oo wajahaya xaalad adag, iyadoo xubno ka tirsan kooxahaasi ay ka carareen deegaanno ay hore ugu dhuumaaleysan jireen, kadib markii ay la kulmeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo dadaallo amni xaqiijin ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
- Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Kumaandooska Danab oo ah ciidan u tababaran howlaha gaarka ah ayaa sii wada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed, si loo soo afjaro khatarta argagixisada iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan”.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee ka dhashay howl-galladan milatari?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab, ayaa howl-gallo culus ka wadaan gobolka Baay iyaga oo beegsanaya farriisimaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.
- Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah.
- Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga, difaaca shacabka iyo la dagaallanka argagixisada ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhaba (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo culus oo ay ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab ay ka wadaan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanayo farriisimaha maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo meelaha ay ku sugan yihiin ciidamada daacadda u ah Cabdicasiis Laftagareen.
War-saxaafadeed kasoo baxay taliska Danab ayaa waxaa lagu sheegay in howlgallada oo isugu jiro nadiifin iyo burburin ay ka socdaan aagga deegaannada Leego, Qardho iyo Jameeco oo u dhow degmada Buurhakaba oo haatan ay ku sugan ciidamada Laftagareen.
Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Danab.
“Hawlgallada socda ayaa muujinaya cadaadiska joogtada ah ee lagu hayo kooxaha nabad-diidka ah, kuwaas oo wajahaya xaalad adag, iyadoo xubno ka tirsan kooxahaasi ay ka carareen deegaanno ay hore ugu dhuumaaleysan jireen, kadib markii ay la kulmeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo dadaallo amni xaqiijin ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidanka Kumaandooska Danab oo ah ciidan u tababaran howlaha gaarka ah ayaa sii wada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ilaalinayo shacabka Soomaaliyeed, si loo soo afjaro khatarta argagixisada iyo falalka amni-darrada ah ee ay ka geystaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan”.
Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga, difaaca shacabka iyo la dagaallanka argagixisada ah, ayna si wadii doonaan howlgallada ka socda gobolka Baay ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada dowladda ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada aaga degmada Buurhakaba, halkaas oo ay gaareen ciidamadii ugu badnaa, iyada oo ujeedka uu yahay in ciidamada taabacsan Cabdicasiis Laftagareen laga saaro gudaha degmadaasi.
“Shacabka sharafta leh ee ku dhaqan degmada Buurhakaba waxaan ugu baaqaynaa inay soo dhoweeyaan geesiyaasha CXDS Ee idinku soo wajahan saacadaha nagu soo fool leh,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed oo ka warbixiyay howlgallada ka socda halkaasi.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa xi lli ay haatan sii xoogeysanayaan khilaafka siyaasadeed iyo iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada taabacsan Cabdicasiis Lafta-gareen iyo kuwa taageersan maamulka hadda ka jira Baydhaba, oo garab ka helaya Dowladda Federaalka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Maqaalku wuxuu sheegayaa howl-gallo culus oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab, ka wadaan gobolka Baay iyaga oo beegsanaya farriisimaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Qodobada muhiimka ah
- Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab, ayaa howl-gallo culus ka wadaan gobolka Baay iyaga oo beegsanaya farriisimaha maleeshiyaadka Al-Shabaab.
- Ujeedka howlgalladan ayaa ah kuwa lagu xaqiijinayo amniga, laguna wiiqayo dhaq-dhaqaaqyada kooxaha argagixisada ah.
- Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga, difaaca shacabka iyo la dagaallanka argagixisada ah.
- Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka degmada Buurhakaba inay soo dhoweeyaan geesiyaasha CXDS.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay taliska Danab iyo Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan howlgalada ama natiijooyinkooda.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Al-Shabaab ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Howl-gallada milatari ee socda gobolka Baay ayaa loogu talagalay in lagu la dagaallamo Al-Shabaab iyo in la xaqiijiyo amniga deegaanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka gaarka ah ee ka dhashay howl-galladan milatari?
- Sidee ayay bulshooyinka deegaanka uga falcelinayaan howl-galladan socda?
- Maxay yihiin saameynta howl-galladani ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed ee gobolka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · gobolka · culus
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Xilli ay ciidammada shisheeye ka baxayaan Soomaaliya, al‑Shabaab ma la wareegi kartaa dalka?
BBC Somali
- Xog: Ciidamada Mareykanka oo dib ugu laabtay Balidoogle xilli la filayo howlgallo culus
Caasimada Online
- Turkiga iyo Soomaaliya oo Bilawday Aasaaska Ciidamada Badda iyo Ballaarinta Iskaashiga Millateri
Hiiraanweyn