Sheekh Shariif oo ciidamo la duldhigay & mudaharaadyadii mucaaradka oo goobo loo asteeyey.
Xiisadda siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareertay xilli mucaaradku isu diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn…

Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa korodhay iyadoo mucaaradku diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn, maamulka gobolka Banaadirna uu asteeyey goobo gaar ah.
Maxaa la shaaciyey
- Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in Garoonka Koonis, Muqdisho Stadium, iyo Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan loo asteeyey dibad-baxyada.
- Mucaaradka ayaa diiday qorshahaas, iyagoo ku adkeysanaya in banaanbaxu ka dhaco guud ahaan caasimadda.
- Dowladda Federaalka ayaa ciidamo badan dul-dhigtay guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed si loo xakameeyo xiisadda.
Macnaha guud
Xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho ayaa sii kordheysa iyadoo mucaaradku isku diyaarinayaan banaan-baxyo.
“mucaaradku ay ka biyo-diiday qorshahaas, iyagoo ku adkeysanaya in banaanbaxu ka dhaco guud ahaan caasimadda.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda siyaasadeed ee Muqdisho iyo saamaynta ay ku yeelan karto amniga iyo xasiloonida dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Xiisadda siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareertay xilli mucaaradku isu diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn…
Xiisadda siyaasadeed ee Magaalada Muqdisho ayaa cirka isku sii shareertay xilli mucaaradku isu diyaarinayaan banaan-baxyo waaweyn iyadoo Maamulka gobolka Banaadir uu asteeyey goobo gaar ah oo dibadb-baxyadaasi lagu qabto.
Maamulka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in goobo ay ka mid yihiin Garoonka Koonis, Muqdisho Stadium iyo Garoonka Jaamacadaha ee degmada Hodan loo asteeyey dibad-baxyada , iyadoo mucaaradku ay ka biyo-diiday qorshahaas, iyagoo ku adkeysanaya in banaanbaxu ka dhaco guud ahaan caasimadda.
DFS ayaa ciidamo badan dul-dhigtay guriga uu degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee degmada Cabdicasiis, waxaana socda dadaallo ay wadaan ergooyin ka socday Madaxtooyada si loo dejiyo xaaladda loogana hortago isku dhac siyaasadeed iyo mid amni.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan