Shiinaha oo lagu wado inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump
Beijing — Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah oo ku dhowaad sagaal sano ah, iyadoo ay si weyn diiradda u saaran yihiin arrimo culus oo caalami ah. Booqashada ayaa la sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, […]

Shiinaha ayaa martigelinaya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadiisii ugu horreysay tan iyo 2017.
Maxaa la shaaciyey
- Booqashada Trump ayaa diiradda saari doonta colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, canshuuraha iyo tiknoolajiyadda sare.
- Wafdiga Trump waxaa ka mid ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth.
- Kulanka Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka dhici doona Hoolka Dadka ee Beijing.
“arrimo waaweyn”
Sababta ay muhiim u tahay: Booqashadan waxay saameyn ku yeelan kartaa xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha, oo ah labada dal ee ugu dhaqaalaha badan adduunka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Beijing — Shiinaha ayaa lagu wadaa inuu martigeliyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Mareykan ah oo ku dhowaad sagaal sano ah, iyadoo ay si weyn diiradda u saaran yihiin arrimo culus oo caalami ah.
Booqashada ayaa la sheegay in ajandaha ugu weyn uu yahay colaadda Bariga Dhexe, arrinta Taiwan, ganacsiga, canshuuraha iyo tiknoolajiyadda sare. Trump ayaa la qorsheeyay inuu gaaro caasimadda Beijing Arbacada, ka hor inta uusan u gudbin hoteelkiisa.
Mas’uuliyiin sare oo Mareykan ah oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa la socda wafdiga, halka Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent uu si gaar ah ugu biiri doono wadahadallada Beijing.
Shiinaha ayaa sidoo kale cunaqabateyn hore ugu saaray Rubio sanadkii 2020, balse Beijing ayaa caddeysay in arrintaasi ay la xiriirtay waqtigiisii Senatarnimo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan