Shirkadaha dadka u dalxiis geeya deegaanka Jasiira oo amarro culus la dul dhigey
Maamulka deegaanka Jasiira ayaa amarro cusub kusoo rogay shirkadaha ka shaqeeya dalxiiska ee dadka u kaxeeya deegaanka, iyadoo tallaabadan lagu sheegay in looga gol leeyahay ilaalinta anshaxa Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo amniga goobaha dalxiiska.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Maamulka deegaanka Jasiira ayaa amarro cusub kusoo rogay shirkadaha ka shaqeeya dalxiiska ee dadka u kaxeeya deegaanka, iyadoo tallaabadan lagu sheegay in looga gol leeyahay ilaalinta anshaxa Islaamka, dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo amniga goobaha dalxiiska.
Maamulka ayaa sheegay in aan laga sii dulqaadan doonin in goobaha dalxiiska ee Jasiira lagu sameeyo falal ka baxsan sharciga Islaamka iyo dhaqanka bulshada, gaar ahaan falalka anshax-xumada iyo isticmaalka ama ka ganacsiga maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Guddoomiyaha deegaanka Jasiira ayaa shirkadaha dalxiiska ku amray inay is-diiwaangeliyaan , isla markaana ay si cad u diiwaangeliyaan dadka ay u qaadaan goobaha dalxiiska.
Maamulka ayaa sheegay in nidaamkan loogu talagalay in lagu helo xogta dadka booqanaya deegaanka iyo shirkadaha masuulka ka ah safarradaas, si haddii ay dhacdo dhibaato ama fal sharci-darro ah loo ogaado cidda masuuliyadda qaadaysa.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in tirada dadka dibadda iyo gudaha dalka ka imanaya ee booqda Jasiira ay sii kordhayso, taasina ay u baahan tahay in shirkadaha dalxiisku si wanaagsan ula socdaan dadka ay goobahaas geeyaan, isla markaana ay qaataan masuuliyadda ku aaddan ilaalinta nidaamka iyo shuruucda deegaanka.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in shirkad kasta oo dadka dalxiiska u qaadaysa Jasiira laga doonayo inay u hoggaansanto amarada iyo xeerarka maamulka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin wax kasta oo sharci-darro ah ama wax u dhimaya dhaqanka iyo amniga bulshada.
Maamulka Jasiira ayaa ugu dambeyn sheegay in tallaabo laga qaadi doono shirkadaha ama dadka lagu helo inay ku xadgudbeen xeerarka, iyadoo ujeeddadu tahay in goobaha dalxiiska ee deegaanka ay noqdaan meel ammaan ah oo lagu ilaaliyo dhaqanka, anshaxa iyo sharciga islaamka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shirkadaha · dadka · deegaanka
Sii akhri
- Hantidhowrka oo u digay guddiga shaqaalaha rayidka kadib amarkii Xamza
Caasimada Online
- Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda
Somali National TV
- Odayaasha Beledxaawo oo digniin soo saaray kadib xaalad soo korortay + Video
Caasimada Online