Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Wargeyska Dawangeneral

Siyaasi Farxaan Aadan Heybe oo Bogaadiyey Go’aanka Golaha Degaanka Caasimadda JSL

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Farxaan Aadan Heybe ayaa soo dhoweeyey go’aanka Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo shalay cod aqlabiyad ah ku doortay hoggaanka cusub ee degmada. Siyaasi Farxaan, waxa uu sheegay in doorashadu ay u dhacday si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u degsan golayaasha deegaanka dalka. Farxaan Aadan Heybe waxa uu xusay in […]

SO
Siyaasi Farxaan Aadan Heybe oo Bogaadiyey Go’aanka Golaha Degaanka Caasimadda JSL
Sawir / xog muuqaal ah · Wargeyska Dawan

Siyaasi Farxaan Aadan Heybe ayaa soo dhoweeyey go'aanka Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo shalay cod aqlabiyad ah ku doortay hoggaanka cusub ee degmada.

Maxaa la shaaciyey

  1. Doorashada hoggaanka cusub ee degmada Hargeysa ayaa dhacday si waafaqsan sharciga iyo nidaamka golayaasha deegaanka.
  2. Farxaan Aadan Heybe ayaa sheegay in siyaasadda iyo noloshuba ay leeyihiin marxalado kala duwan.
  3. Farxaan ayaa ku baaqay in la adkeeyo dulqaadka iyo adkaysiga si loo wajaho isbeddelka nolosha.

“Siyaasadda iyo salaankeedu waa laba weji oo nolosha ka mid ah; mar waxay xanbaarsan tahay soo dhowayn, horusocod iyo yididiilo, mar kalena siibasho, mugdi iyo ayaan kakan.”

Siyaasi Farxaan Aadan Heybe
Hargeysa
2026-05-12

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka faa'iidi karaan fahamka isbeddelada siyaasadeed ee ka dhacaya Somaliland.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Wargeyska Dawan

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Farxaan Aadan Heybe ayaa soo dhoweeyey go’aanka Golaha Deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo shalay cod aqlabiyad ah ku doortay hoggaanka cusub ee degmada. Siyaasi Farxaan, waxa uu sheegay in doorashadu ay u dhacday si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u degsan golayaasha deegaanka dalka.

Farxaan Aadan Heybe waxa uu xusay in siyaasadda iyo noloshuba ay leeyihiin marxalado kala duwan oo la maro, kuwaas oo mararka qaar xanbaarsan yididiilo, horumar iyo soo dhoweyn, mar kalena wata duruufo adag iyo caqabado, balse marxaladahaasi kala duwani ay dhammaantood qayb ka yihiin meertada siyaasadda iyo isbeddelka dabiiciga ah ee nolosha.

Siyaasi Farxaan Aadan Heybe, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, kaas oo u dhignaa sidan: “Siyaasadda iyo salaankeedu waa laba weji oo nolosha ka mid ah; mar waxay xanbaarsan tahay soo dhowayn, horusocod iyo yididiilo, mar kalena siibasho, mugdi iyo ayaan kakan. Labaduba se waa sunnaha isbeddelka nolosha, dabciga siyaasada iyo meertada waqtiga amarka Illaahay mid kastaana waxuu rabaa in sifihiisa lagula macaamilo oo loo yeesho adkaysi iyo dulqaad.

Waxaan soo dhowaynayaa go’aanka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee cod dheeriga ay maanta (shalay) isku doorteen sida sharcigoodu dhigayo.

Isha: Wargeyska Dawan. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Wargeyska Dawan
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Kalsooni
Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralheybefarxaangolaha
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.