SoDMA oo Adkaysay Diyaar-garowga El Niño iyo Fatahaadaha
MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), isagoo xoogga saaray muhiimadda diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore ee looga…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), isagoo xoogga saaray muhiimadda diyaar-garowga iyo tallaabooyinka hore ee looga hortagayo saameynta El Niño iyo fatahaadaha.
Guddoomiyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aannada la xiriira diyaar-garowga iyo ka-hortagga musiibooyinka lagu saleeyo xogta saadaasha, xaaladda webiyada Jubba iyo Shabeelle, goobaha ay ku nool yihiin bulshooyinka nugul iyo casharradii laga bartay fatahaadihii hore, gaar ahaan El Niño-kii 1997–1998 iyo 2003.
Waxa uu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-dubbaridka dowladda iyo bah-wadaagta bani’aadannimada, si loo xoojiyo taageerada loona gaarsiiyo meelaha ay khatartu ugu badan tahay.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshayaasha daad-gureynta, hoyga, caafimaadka, ilaalinta iyo taageerada dhaqaale, iyadoo mudnaanta la siinayo bulshada ugu nugul ee halista ugu badan ugu jira saameynta fatahaadaha iyo musiibooyinka la xiriira El Niño.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · diyaar · fatahaadaha · sodma
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada