Soomaaliya iyo Hindiya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada qunsuliyadda.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aan la gaarayLabada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore loogu saxiixay magaalada Muqdisho, kaas oo saldhig u noqonaya horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dowladood.
- Waxa xigaGuddiyadan ayaa la filayaa inay door ka qaataan sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha iskaashi ee labada dal, loo dardargelin lahaa fulinta heshiisyada jira, isla markaana loo xaqiijin lahaa in qorshayaasha la isla meel dhigay ay isu beddelaan mashaariic iyo waxqabad muuqda.
- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Pabitra Margherita.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya.
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu wada hadlay kulanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore loogu saxiixay magaalada Muqdisho.
- Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in heshiisyada iyo is-afgaradyada ay labada dal kala saxiixdeen aanay ku ekaan qoraallo iyo ballanqaadyo diblomaasiyadeed, balse loo beddelo waxqabad miro-dhal ah oo faa’iido u
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO, Soomaaliya — Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada qunsuliyadda.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Pabitra Margherita.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Hindiya.
Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore loogu saxiixay magaalada Muqdisho, kaas oo saldhig u noqonaya horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dowladood.
Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa isla soo qaaday sameynta guddiyo farsamo oo wadajir ah, kuwaas oo qaabilsanaan doona isku dubbaridka iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, arrimaha qunsuliyadda iyo waxbarashada.
Guddiyadan ayaa la filayaa inay door ka qaataan sidii loo aqoonsan lahaa fursadaha iskaashi ee labada dal, loo dardargelin lahaa fulinta heshiisyada jira, isla markaana loo xaqiijin lahaa in qorshayaasha la isla meel dhigay ay isu beddelaan mashaariic iyo waxqabad muuqda.
Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in heshiisyada iyo is-afgaradyada ay labada dal kala saxiixdeen aanay ku ekaan qoraallo iyo ballanqaadyo diblomaasiyadeed, balse loo beddelo waxqabad miro-dhal ah oo faa’iido u leh shacabka Soomaaliya iyo Hindiya.
Kulankan ayaa muujinaya dadaallada ay labada dowladood ku doonayaan inay sii xoojiyaan xiriirkooda, iyagoo mudnaan siinaya iskaashi wax-ku-ool ah oo ka hirgala dhinacyada muhiimka u ah horumarka labada dal.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada qunsuliyadda.
Qodobada muhiimka ah
- Soomaaliya iyo Hindiya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada qunsuliyadda.
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta heshiiskii is-afgaradka ahaa ee hore loogu saxiixay magaalada Muqdisho.
- Labada mas’uul ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in heshiisyada iyo is-afgaradyada ay labada dal kala saxiixdeen aanay ku ekaan qoraallo iyo ballanqaadyo diblomaasiyadeed, balse loo beddelo waxqabad miro-dhal ah oo faa’iido u
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta Hindiya.
- Faahfaahinta ku saabsan heshiisyada ama mashaariicda gaarka ah lama bixinin.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan wadahadalada ama natiijooyinka lama soo bandhigin.
Gunaanadka akhristaha
Soomaaliya iyo Hindiya waxay si firfircoon u raadinayaan inay xoojiyaan iskaashigooda labada dhinac ee dhanka muhiimka ah.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay heshiisyada gaarka ah ee lagu wada hadlay kulanka?
- Sidee ayaa guddiyada farsamada la soo jeediyay loo dhisi doonaa?
- Waa maxay waqtiga la filayo in la fuliyo hindisyada la wada hadlay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · waxbarashada · hadlay · wada
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada