Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka
Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay tababar caalami ah oo ku saabsan diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka. Kulanka ayaa waxaa Soomaaliya kaga qaybgalay 25 xubnood oo ka kala socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA),iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada. Tababarka oo soconaya illaa 21-ka Luulyo ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay tababar caalami ah oo ku saabsan diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka.
Kulanka ayaa waxaa Soomaaliya kaga qaybgalay 25 xubnood oo ka kala socda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA),iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada.
Tababarka oo soconaya illaa 21-ka Luulyo ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta awoodda hay’adaha dowladda ee saadaasha, diyaar-garowga iyo ka-jawaabista masiibooyinka, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda iyo farsamooyinka casriga ah ee Shiinaha.
Xubnahan ayaa waxaa Afar cisho ka hor ka sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo qaar ka mid ah Wasiirrada Gargaarka ee Dowlad-goboleedyada si ay ugu qayb qaataan tababarkan heerkiisu sarreeyo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.