Soomaaliya oo Cambaaraysay Weerar Gantaallo ah oo Lala Beegsaday Kuwait
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lala beegsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka dalkaas. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda […

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday oo lala beegsaday dalka Kuwait, iyadoo muujisay garab istaag buuxa oo ay la leedahay dowladda iyo shacabka dalkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u taageersan tahay madaxbannaanida, amniga, xasilloonida iyo wadajirka dhuleed ee Dowladda Kuwait.
Qoraalka ayaa lagu xusay in weerarrada noocan oo kale ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, isla markaana ay si cad uga hor imaanayaan mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo qawaaniinta ku xusan Axdiga Qaramada Midoobay.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale adkaysay inay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Kuwait xilligan adag, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo dadaallada diblumaasiyadeed, is-xakamaynta iyo wada-hadallada si looga hortago in xaaladdu kasii darto.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan