Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Soomaaliya Oo Ka Qayb Gashay Kulanka Guddiga Fulinta Ee Ururka INPDPA
ISTANBUL, Turkiga – Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Guddiga […]
Mudane Mohamed Nur Olow, Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Ururka INPDPA oo ka dhacay Istanbul, Turkiga.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka iyo qorshayaasha ururka.
- Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Guddiga Fulinta ee ururkan.
- Mudane Mohamed Nuur Olow ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato horumarinta himilooyinka ururka.
Macnaha guud
Kulankan ayaa yimid iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka Islaamka ee u taagan xoojinta ilaalinta xogta shakhsiga ah.
“Mudane Mohamed Nuur Olow ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato horumarinta himilooyinka ururka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan sida Soomaaliya ay uga qayb qaadanayso ilaalinta xogta shakhsiga ah iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
ISTANBUL, Turkiga – Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, Mudane Mohamed Nur Olow, ayaa ka qayb galay kulanka labaad ee Guddiga Fulinta ee Ururka Islamic Network for Personal Data Protection Authorities (INPDPA), kaas oo lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Guddiga Fulinta ee ururkan, oo u taagan xoojinta iskaashiga dalalka Islaamka ee dhinaca ilaalinta xogta shakhsiga ah iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta xeerarka iyo qorshayaasha ururka, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dhowrista xogta ee dalalka Islaamka, is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta, iyo sidii looga hortagi lahaa caqabadaha ka dhasha tiknoolojiyadda casriga ah iyo amniga macluumaadka.
Mareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, Mudane Mohamed Nuur Olow, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay door muuqda ka qaadato horumarinta himilooyinka ururka iyo kor u qaadista heerarka ilaalinta xogta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.