Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Shabelle Mediageneral

Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee Ka Furmay Seoul

Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya. Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda

SO
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee Ka Furmay Seoul
Sawir / xog muuqaal ah · Shabelle Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Shabelle Media

Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.

Shirkan ayaa isugu keenay wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo ka wada hadlaya xoojinta iskaashiga labada dhinac, horumarinta koboc waara, iyo dardargelinta danaha ay wadaagaan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Intii uu shirku socday, Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khudbad ka jeediyay kulanka, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed si wax looga qabto caqabadaha caalamiga ah ee horyaalla dunida maanta.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dhinac iska kaashadaan arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada, sugnaanta cuntada, isbeddelka dhijitaalka ah iyo horumarinta fursadaha dhaqaale ee bulshada.

Isha: Shabelle Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Shabelle Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralsoomaaliyakuuriyaafrika
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.