Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Soomaaliya oo ka qeyb galeyso Shir looga Hadlaayo xallinta khilaafaadka.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21aad ee gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda qaaradda Afrika u ga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka. Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika [&#

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Axad 30 Aug 2026 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga 21aad ee gaarka ah ee Madaxda Dalalka iyo Dawladaha ee Golaha Midowga Afrika, kaas oo madaxda qaaradda Afrika u ga doodayaan xoojinta ka-hortagga iyo xallinta khilaafaadka.
Kalfadhigan ayaa madaxda Afrika ka ga arrinsanayaan sidii qaaraddu tallaabo wadajir ah u gu wajihi lahayd khilaafaadka, u hirgelin lahayd maalgelin joogto ah oo la gu taageero nabadda iyo amniga, u na xoojin lahayd wada-shaqeynta hay’adaha qaaradda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay doodaha socda ku biirinayso waayo-aragnimadeeda ku aaddan garab-istaagga Afrika iyo muhiimadda ay leedahay in guulaha la ga gaaro sugidda amniga la gu xoojiyo hindisataasha qaran ee nabad iyo xasillooni waarta.
The post Soomaaliya oo ka qeyb galeyso Shir looga Hadlaayo xallinta khilaafaadka. appeared first on HMC Somalia News .
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.