Soomaaliya oo wajahaysa halista cudurka Ebola ee ku sii fidaya Afrika
Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la […

Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, iyadoo Soomaaliya ay wajahdo halis caafimaad.
Maxaa la shaaciyey
- Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurka Ebola.
- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka, iyadoo aan la arkin habraac rasmi ah oo lagu baarayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.
- Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan Aadan Cadde ee Muqdisho, ayaa laga hirgelinayaa baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka.
Macnaha guud
Cudurka Ebola ayaa haatan ka dilaacay Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, waxaana la filayaa in Soomaaliya ay wajahdo khatar caafimaad haddii aan la qaadin tallaabooyin deg deg ah.
“WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waa inay ka warqabaan khatarta cudurka Ebola si ay u qaadaan taxaddarro caafimaad.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Cudurka Ebola ayaa haatan kusii fidaya dalal ka tirsan Afrika, gaar ahaan Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay soo saartay digniino ku saabsan kororka kiisaska cudurkaasi.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhankeeda soo saartay digniin ku saabsan halista cudurka Ebola, inkastoo ilaa hadda aan la arkin hannaan rasmi ah oo lagu baarayo ama lagu diiwaan-gelinayo dadka ka imanaya waddamada uu cudurka ka dilaacay.
Garoomada diyaaradaha dalka, gaar ahaan kan Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa laga hirgelin xarumo ama baaritaanno adag oo lagu hubinayo xaaladda caafimaad ee rakaabka kasoo degaya duulimaadyada ka imanaya Uganda iyo dalalka kale ee laga helay kiisaska cudurkan.
Uganda oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa maalin kasta waxaa kasoo dega duulimaadyo rayid iyo kuwo militari, kuwaasi oo aan weli la marsiin habraacyo adag oo caafimaad, inkastoo WHO ay si joogto ah uga digeyso faafitaanka cudurka Ebola.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan