Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Tirada dadka ku dhintey weerarkii Niger oo siweyn u korortay.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah…
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada Niamey, caasimadda dalka Niger.
Maxaa la shaaciyey
- Weerarka ayaa dhacay Khamiistii, waxaana uu noqday kii labaad ee noociisa ah muddo ka yar shan bilood.
- Wasaaradda Difaaca Niger ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan 22 ka mid ah kooxdii weerarka fulisay, 11 askari iyo laba qof oo rayid ah.
- Kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Macnaha guud
Weerarkan ayaa muujinaya awoodda ay weli kooxaha hubeysan ugu leeyihiin inay beegsadaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda Niger.
“Qaraxyo iyo rasaas culus la maqlay xilli dadku kasoo baxayeen salaaddii subax.”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha ayaa ka warqaba xaaladda amni ee gobolka Saaxilka Afrika, gaar ahaan xiriirka ka dhexeeya kooxaha hubeysan.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah…
Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay weerar hubeysan oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada Niamey, caasimadda dalka Niger, waxaana weerarkaan oo Khamiistii dhacay uu noqday kii labaad ee noociisa ah ee lagu qaado garoonkaas muddo ka yar shan bilood gudahood, waxaana uu sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amniga ee dalkaas.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxyo iyo rasaas culus la maqlay xilli dadku kasoo baxayeen salaaddii subax. Wasaaradda Difaaca Niger ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan 22 ka mid ah kooxdii weerarka fulisay, 11 askari iyo laba qof oo rayid ah. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo walxo qarxa oo ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, RPG-7 iyo rasaas tiro badan.
Kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), oo xiriir la leh ururka Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Weerarkan ayaa muujinaya awoodda ay weli kooxaha hubeysan ugu leeyihiin inay beegsadaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda Niger, inkastoo dadaallo amni oo badan ay socdaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Horseed Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.