Tiro Muwaadiniin u dhashay dalka Mozambique oo Lagu Dilay Koonfur Afrika
JOHANNESBURG — Xukuumadda Mozambique iyo booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa isku khilaafay tirada muwaadiniinta u dhalatay Mozambique ee lagu dilay weerarro salka ku haya ajnabi naceyb oo dhowaan ka dhacay gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika. Xafiiska warbaahinta ee dowladda Mozambique ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in toddobo ka mid ah […]

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
JOHANNESBURG — Xukuumadda Mozambique iyo booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa isku khilaafay tirada muwaadiniinta u dhalatay Mozambique ee lagu dilay weerarro salka ku haya ajnabi naceyb oo dhowaan ka dhacay gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika.
Xafiiska warbaahinta ee dowladda Mozambique ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in toddobo ka mid ah muwaadiniinteeda ay ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalada xeebta ah ee Mossel Bay, oo qiyaastii 380 kilomitir dhanka bari kaga beegan magaalada Cape Town. Sida uu sheegay dalku, shan ka mid ah dadkaas ayaa si toos ah u dhintay ka dib markii ay la kulmeen weeraro ajnabi naceyb ah, halka labada kale ay ku dhinteen shil baabuur xilli ay dalkooda dib ugu laabanayeen.
Dhanka kale, booliiska Koonfur Afrika ayaa si xooggan u gacan-sayray sheegashada dowladda Mozambique. Afhayeenka booliiska gobolka Western Cape, Brigadier Novela Potelwa, ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in laba qof oo keliya oo u dhashay Mozambique lagu dilay degsiimada Asla Park ee ka baxsan Mossel Bay.
“Run maaha in shan qof la dilay. Laba muwaadin oo u dhashay Mozambique oo da’doodu kala ahayd 27 iyo 43 jir ayaa naftooda ku waayey degsiimada Asla Park fiidnimadii Jimcaha,” ayay tiri Brigadier Potelwa, iyadoo ka gaabsatay inay si rasmi ah u xaqiijiso in dilkaas uu salka ku hayo ajnabi naceyb.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan