Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Ugaaska Beesha Xawaadle iyo wafdi siyaasiyiin uu hogaaminayo Ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne.
Isniin, 14, Sep 2026 {HMC} Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo siyaasiyiin ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Beledweyne, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dadweyne fara badan. Soo dhaweynta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kaga hortagay […] The post Ugaa

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Isniin, 14, Sep 2026 {HMC} Ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, iyo siyaasiyiin ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray Beledweyne, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo dadweyne fara badan.
Soo dhaweynta ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kaga hortagay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle ee kasoo jeeda beesha Xawaadle, iyadoo magaalada la adkeeyay ammaankeedi, Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujiyay hub iyo gaadiid dagaal oo lagu soo bandhigay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Carab, ayaa sheegay in maamulka gobolka uu diyaar u yahay inuu kala qeyb qaato talooyinka iyo dadaallada ay masuuliyiinta iyo waxgaradka beesha u tageen magaalada Beledweyne.
Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan oo warbaahinta kula hadlay magaalada ayaa sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay qorshe ay beesha Xawaadle ku doonayso inay uga tashato xaaladda taagan, isagoo ku baaqay in si guud loo mideeyo talada iyo go’aannada beesha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.