Uganda oo hakisay dhammaan iskaashigii milatari ee ay la lahayd Turkiga
Kampala, 19 Sebteembar 2026: Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo hakiyay dhammaan iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee u dhexeeyay Uganda iyo Jamhuuriyadda…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Kampala, 19 Sebteembar 2026: Ciidamada Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo hakiyay dhammaan iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee u dhexeeyay Uganda iyo Jamhuuriyadda Turkiga.
Bayaan uu soo saaray Afhayeenka Warfaafinta Difaaca ee ku-simaha ah, Kornayl Chris Magezi, ayaa lagu sheegay in go’aanka uu dhaqan-galay isla markiiba, isla markaana uu sii jiri doono ilaa laga xalliyo arrimaha weli taagan ee la xiriira iskaashiga difaaca iyo milatariga ee labada dal.
UPDF ma aysan faahfaahin nooca ama sababta arrimaha keenay hakinta, iyadoo bayaanka rasmiga ah uusan si gaar ah u xusin khilaaf ku saabsan Soomaaliya ama arrimo kale.
Go’aankan ayaa yimid xilli xiriirka dhinaca difaaca ee Uganda iyo Turkiga uu horey u lahaa iskaashi ay ka mid yihiin tababarka, warshadaha difaaca iyo iskaashiga milatari. UPDF waxay hore u sheegtay in labada dal ay leeyihiin heshiisyo iskaashi oo dhinaca warshadaha difaaca ah.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in go’aanka uu kusoo beegmay kadib dibadbax ka dhacay Kampala oo looga dalbanayay Turkiga in Uganda loo soo celiyo Fred Lumbuye, hase yeeshee UPDF bayaankeeda rasmiga ah kuma xiriirin hakinta iskaashiga arrintaas.
Ilaa hadda lama shaacin muddada uu socon doono hakinta ama waxa ay noqon doonaan tallaabooyinka xiga ee labada dowladood.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · uganda · dhammaan · lahayd
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada