Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Horseed Mediageneral

UK oo ka guuleystay Dacwadii Rwanda ee tarxiilka Qaxootiga

Maxkamada Caalamiga ah ee Dhex-dhexaadinta ee fadhigeeda yahay Hague, Holland ayaa maanta ku dhawaaqday go'aankooda kiiskii ay soo gudbisay Dowlada Rwanda oo ka dacwooneysay Dowlada UK oo ay sheegtay inay uga baxday heshiiskii dhexmaray labada dal ee Tarxiilka dadka magan-gelyo doonka ah.

SO
UK oo ka guuleystay Dacwadii Rwanda ee tarxiilka Qaxootiga
Sawir / xog muuqaal ah · Horseed Media
Loading enhanced story summary...

Warbixin Soomaali asal ah

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Horseed Media

Maxkamada Caalamiga ah ee Dhex-dhexaadinta ee fadhigeeda yahay Hague, Holland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankooda kiiskii ay soo gudbisay Dowlada Rwanda oo ka dacwooneysay Dowlada UK oo ay sheegtay inay uga baxday heshiiskii dhexmaray labada dal ee Tarxiilka dadka magan-gelyo doonka ah.

Dowlada Rwanda ayaa dacwadan soo gudbisay bishii Nofeember ee sanadkii hore, iyadoo ku dooday in ay ku leedahay lacago gaaraya $134 milyan sida ku xusnaa heshiiskii dhexmaray labada dal sanadkii 2022.

Xukuumadii hore ee UK ee Raysalwasaare Boris Johnson ayaa xukuumada Rwanda kula heshiiyey sanadkii 2022, inay qaabilaan qaxootiga laga soo tarxiilo UK, iyadoo UK bixineyso kharashaadka.

UK ayaa horey u siisay Rwanda $390 milyan si loo dhiso xeryaha dadkaasi lagu hayn lahaa, balse heshiiskan waxaa joojiyey Raysalwasaare hada xilka haya Keir Starmer oo maalintii ugu horeysay oo uu xilka qabtay bishii Luulyo 2024, laalay heshiiskan oo uu ku tilmaamay mid khasaaro ah.

Isha: Horseed Media. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Horseed Media
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralrwandatarxiilkadacwadii
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.