Ururka FSON ee Netherlands oo badbaadiyay in la gubo meydadka Soomaalida
Amsterdam (Caasimada Online) – Muddoyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay dhibaatooyin soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands, kuwaas oo la xiriira duruufo kala duwan oo dhinaca dhaqanka, nolosha iyo deegaanka ah. Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin kala duwan m

Ururka Somalische Federatie Organisatie (SFON) ayaa ka hortagay in la gubo meydadka Soomaalida, iyadoo la kaashanaysa maamullada degmooyinka Netherlands.
Maxaa la shaaciyey
- Guddoomiyaha SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin marka qof geeriyoodo.
- Maamullada degmooyinka ayaa mararka qaar soo jeediya in meydka la gubo, taasoo ka dhalatay kharashka duugista.
- SFON waxay ka caawisaa qoysaska inay la xiriiraan dawladda hoose si ay u helaan taageero.
Macnaha guud
Dhibaatooyinka ay la kulmaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands ayaa sababay in SFON ay qaado tallaabooyin ka hortag ah.
“Arrinta gubidda meydka waxay si toos ah uga hor imaanaysaa caqiidada Islaamka, sharafta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan dhibaatooyinka la xiriira aaska iyo sida ururada ay u caawiyaan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Amsterdam (Caasimada Online) – Muddoyinkii u dambeeyay waxaa soo baxayay dhibaatooyin soo wajahay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Netherlands, kuwaas oo la xiriira duruufo kala duwan oo dhinaca dhaqanka, nolosha iyo deegaanka ah.
Guddoomiyaha Ururka Jaaliyadda Somalische Federatie Organisatie, Abdikadir Ali Nuune, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la kulanto dhibaatooyin kala duwan marka qof ehelkooda ka mid ah, ama qof asal ahaan Soomaali ah, uu geeriyoodo. Arrintan ayuu sheegay inay inta badan ka timaaddo aqoon-darro bulshada ka haysata nidaamka dalka iyo hab-raacyada aaska.
Mararka qaar, ayuu sheegay, maamullada degmooyinka waxay soo jeediyaan in meydka la gubo, maadaama duugistiisu ay kharash badan ku kacdo. Arrintaas oo kale, ayuu tilmaamay, waxay u baahan tahay in ururrada Soomaalidu bulshada ku baraarujiyaan, isla markaana loo tilmaamo in ay jiraan caymisyo qaabilsan aaska iyo asturidda meydka.
Guddoomiyaha SFON, Abdikadir Ali Nuune, ayaa xusay in mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xilligan haysata bulshada Soomaalida ay tahay sida loo maareeyo meydka qofka marka uu geeriyoodo. Aqoon-darrada baahsan ee dhinaca shuruucda dalka iyo hab-raaca aaska ayaa keentay in qoysas badan ay hay’adda SFON ka caawiso sidii ay ula xiriiri lahaayeen dawladda hoose ee Gemeente, si ay u helaan taageero dhinacyo kala duwan leh.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan