Ururka Hidda Dhoor oo Bandhig Cajiib ah ka Sameeyay Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha oo lagu Qabtay Dalka Belgium
Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi. Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaa
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ururka Hidda Dhoor ayaa si weyn uga qeybgalay munaasabadda Maalinta Dhaqamada Jaaliyadaha ee lagu qabtay magaalada Kortrijk ee waddanka Belgium, halkaas oo lagu soo bandhigay hiddaha iyo dhaqamada kala duwan ee ay leeyihiin bulshooyinka ku nool magaaladaasi.
Ururka ayaa munaasabadda kusoo bandhigay ciyaaro dhaqameedyo, suugaan, heeso hidde iyo bandhigyo ka tarjumayay dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliyeed, kuwaas oo si weyn u soo jiitay indhaha dadkii kasoo qeybgalay xafladda.
Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhoor, Cabdi Warsame, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah leedahay ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha ku koraya dalalka dibadda. Waxa uu xusay in munaasabaddan ay fursad muhiim ah u tahay in bulshada kale lagu baro dhaqanka, suugaanta iyo taariikhda Soomaalida.
Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka guud ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Belgium, Xuseen Xasan Xuseen, ayaa bogaadiyay dadaalka Ururka Hidda Dhoor iyo doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan mideynta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta isdhexgalka jaaliyadaha ku nool Belgium.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan