Wadajirka Ciidanka Booliska iyo Shacabka Somaliland Waa Laf-dhabarta Amniga, Nabadda iyo Xasiloonidda Qaranka
Qore Axmed M. Saleebaan Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey xirfad, dedaal joogto ah, iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaastii habeen hore laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Hargeysa, iyadoo
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa si degdeg ah uga jawaabay rasaas habeen hore laga maqlay Hargeysa, iyadoo qaar ka mid ah eedaysanayaasha la soo qabtay.
Maxaa la shaaciyey
- Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay kaalin weyn ka qaateen sugidda amniga.
- Ciidanka Boolisku waxay muujinayaan xirfad, daacadnimo, iyo go'aan adag si loo xaqiijiyo nabadgelyada.
- Wadajirka bulshada iyo ciidanka Booliska ayaa ah laf-dhabarta amniga iyo xasilloonida dalka Somaliland.
“Caasimada xalay (habeen hore) waxa ka dhacay rasaas ay rideen eedaysanayaal ay Ciidanka Boolisku aqoonsadeen.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan doorka muhiimka ah ee ciidanka iyo shacabka ee sugidda amniga Somaliland.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Qore Axmed M. Saleebaan
Hargeysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale muujiyey xirfad, dedaal joogto ah, iyo go’aan adag oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada bulshada. Afhayeenka Ciidanka Booliska, Gaashaanle Sare Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil, ayaa sheegay in ciidamadu ay si degdeg ah uga jawaabeen rasaastii habeen hore laga maqlay qaybo kamid ah xaafadaha Hargeysa, iyadoo eedaysanayaashii qaarkood lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro soo qabashadooda.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka muhimka ah ee shacabka Somaliland ee ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee qaranka, isaga oo tilmaamay kaalintii weynayd ee shacabku ka qaateen hawlgalkan amni. Waxa uu ku amaanay wada-shaqaynta iyo dadaalkooda joogtada ah ee lagu ilaalinayo nabadgelyada, isagoo caddeeyey sida wadajirka bulshada iyo ciidanka Boolisku uu laf-dhabarta ugu yahay amniga guud.
“Caasimada xalay (habeen hore) waxa ka dhacay rasaas ay rideen eedaysanayaal ay Ciidanka Boolisku aqoonsadeen, qaar kamid ahna lasoo qabtay halka kuwa kalena lagu daba jiro. Shacabka Somaliland ayaa naga caawiyey hawlgalkaas, waxaana ku dhiirrigelinayaa wada-shaqayntooda,” ayuu yiri Afhayeenka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wargeyska Dawan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Kalsooni
- Lama qiimeeyo; kalsoonidu waxay khusaysaa isbarbardhigyo ilo badan leh
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan