Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wakiilka Cusub Ee UNFPA Soomaaliya Oo Booqasho Ku Yimid Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Isboortiga
MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo sii xoojinaysa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE. Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, isla mar
Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE, ayaa booqasho ku yimid Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS.
- Ku-xigeenka Wakiilka UNFPA Soomaaliya, Mudane Francis Nyasi, ayaa warbixin ka bixiyay qorsheyaasha UNFPA.
Macnaha guud
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa sii xoojinaysa wada-shaqeynta ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah.
“Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in la xoojiyo iskaashiga si loo horumariyo fursadaha iyo adeegyada dhallinyarada Soomaaliyeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo sii xoojinaysa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah, ayaa maanta xarunteeda ku qaabishay wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE.
Kulanka oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XFS, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah howlwadeennada Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan barnaamijyada la xiriira horumarinta dhallinyarada, kobcinta ka-qaybgalka bulshada, iyo taageeridda isboortiga gabdhaha.
Wasiirka ayaa si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, isagoo ugu hambalyeeyay xilka loo magacaabay isla markaana muujiyay sida ay Wasaaraddu uga go’an tahay sii wadista wada-shaqeynta miro-dhalka ah ee kala dhaxeysa hay’adda UNFPA.
Dhankiisa, Wakiilka cusub ee UNFPA Soomaaliya, Mudane Judicaël ELIDJE, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo adkeeyay sida ay UNFPA uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga ay la leedahay Wasaaradda.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.