War cusub oo kasoo kordhay kiiska Sacdiyo Bajaaj
Muqdisho (Caasimada Online) – Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj) ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwadda loo haysto. Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhawaan sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, isaga oo xusay […] The post War cusub oo kasoo ko

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho (Caasimada Online) – Sacdiyo Macalin Cali Xasan oo loo yaqaano (Sacdiyo Bajaaj) ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah la horgeeyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwadda loo haysto.
Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa dhawaan sheegay in kiiska Sacdiyo uu marayo heer gaba-gabo ah oo dhinaca baarista iyo dacwad-oogista ah, isaga oo xusay in hay’adaha caddaaladdu ay dhammaystireen habraacyadii la xiriiray baarista kiiska.
Maxkamadeynta oo subaxa hore ee berri ka bilaaban doonto hoolka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu soo bandhigi doonaa eedaha rasmiga ah ee loo haysto Sacdiyo Macallin, waxaana kamid ah kicin bulsho.
Xoghayaha Golaha Samatabixinta, Maxamed Aadan Koofi oo qoraal kasoo saaray Maxkamadeynta gabadhan dhalinyarada ah ayaa shaaca ka qaaday in ay ay garab istaagi doonaan, isla markaana ay tegi doonaan Maxkamadda, wuxuu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay inay garabkeeda buuxiyaan.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan