Wararkii ugu dambeeyay xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaallo nabadeed oo lagu xallinayo xiisad u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan gobolkaasi. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Madax-lagu-xoor ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dadka […] T

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan dadaallo nabadeed oo lagu xallinayo xiisad u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed oo shalay ku dagaallamay deegaan ka tirsan gobolkaasi.
Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Madax-lagu-xoor ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dadka rayidka ah, iyadoo sidoo kale ay jirto cabsi laga qabo in colaaddaasi sii fiddo haddii aan si degdeg ah loo xakameyn.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in labada dhinac ay isku hayaan muran la xiriira dhul iyo deegaanno, kaas oo muddooyinkii dambe sii xoogeysanayay. Xiisadda ayaa la sheegay inay ugu dambeyn isku beddeshay dagaal hubeysan oo si weyn looga dareemay deegaannada ku dhow halka uu ka dhacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in inta badan qoysaskii ku noolaa deegaanka Madax-lagu-xoor ay halkaasi ka barakaceen, kadib markii ay ka cabsi qabeen in dagaalladu dib u qarxaan. Dadka barakacay ayaa u kala firxaday deegaanno kale oo ka tirsan gobolka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan