Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers – (2007 to 2024)
Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers - (2007 to 2024)
Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sare-u-kaca ugu badan adduunka ka sameeyey dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta iyadoo dhibcaha guud ay ka bilaabmeen 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024.
Maxaa la shaaciyey
- Soomaaliya ayaa gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay in horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta isgaarsiinta.
- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa la aas-aasay sannadkii 2018, waxaana la dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
- Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh ayaa sheegay in aqoonsigani uu ka tarjumayo dadaallada Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018.
“Aqoonsigani wuxuu ka tarjumayaa dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo.”
Sababta ay muhiim u tahay: Aqoonsigan ayaa muujinaya horumarka Soomaaliya ee dhinaca isgaarsiinta, taasoo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo helitaanka adeegyada casriga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Warbixinta Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah oo qirtay dadaallada horumarka nidaaminta Isgaarsiinta dalkeena (No. 1 Global risers – (2007 to 2024) Muqdisho, Soomaaliya — 17 May 2026 — Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday dalka sare-u-kaca ugu badan adduunka ka sameeyey dhanka dib-u-habeynta xeer-nidaaminta isgaarsiinta sida ku cad Tirakoobka Nidaamyada ICT-da ee Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) laga soo bilaabo markii la daahfuray ilaa sannadka 2024, taasoo dalkeenu noqday dalkii sameeyey sare-u-kaca ugu weynaa ee dalkasta oo la qiimeeyay muddadaas.
Sida ku cad warbixinta ITU ee soo baxday bishan Maajo 2026, dhibcaha guud ee Soomaaliya ee Tirakoobka Xeer-nidaaminta isgaarsiinta & Teknolojiyadda ayaa ka bilaabatay 0.0 sannadkii 2007 ilaa 77.5% sannadkii 2024, taas oo ka dhigan koror dhan +77.5 dhibcood, iyadoo Soomaaliya gashay kaalinta koowaad ee 15-ka dal ee lagu xusay in horumarka ugu badan ka sameeyeen dhanka dib-u-habeynta nidaaminta isgaarsiinta. Isbeddelkan waxaa horseeday dib-u-habeynno la sameeyay tan iyo markii la aas-aasay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) sannadkii 2018, iyada oo lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.
Warbixinta Raad-raaca Nidaaminta ICT-da waa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee ITU u adeegsato cabbirka heerka horumarka nidaamyada maamulka ICT-da ee 194 dal. Horumarkan ayaa Soomaaliya si rasmi ah ugu daray heerka nidaaminta ee Jiilka 3aad (G3) ee ITU, kaas oo lagu tilmaamo heerka “kobcinta maalgashiga iyo helitaanka adeegyada.”
Isagoo ka hadlayay warbixintan, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa yiri: “Aqoonsigani wuxuu ka tarjumayaa dadaalladii Soomaaliya ay wadday tan iyo sanadkii 2018 si loo dhiso hay’ad madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo iyo hannaan sharciyeed casri ah oo hagaya suuqa isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda. In laga soo gudbo dhibco eber ah lana gaaro dalalka ugu sareeya sare-u-kaca ugu badan sameeyey adduunka adduu ka oo dhan waa talaabo muhiim ah, balse mudnaanteennu weli waxay tahay xoojinta tartanka suuqa, ballaarinta helitaanka adeegyada, iyo adkaynta ilaalinta xuquuqda macaamiisha.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.