Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warsaxafadeed: Xisbiga Badbaado Waqooyi
Warsaxafadeed Markay qayloo naga soo gaadhey ciidaan u dhalanay, waa markii dulmigii dunida, calankii huwaanaa, ee lixda gees lahaa diyaaraado lagu keenaye, waan toosnay. Waayo, Waqooyi baa Shilal Yaalla! Cadowgaa la soo caleemo-saaray culayskiisaan dareenay. Waxaan maqalnay dadkaa la xasuuqaayo qayladoodii, waxaa na damqay sebiga ooyaya, waxa na dhaawacay hooyooyinka barooranaya, waxaan ka xanuun
Xisbiga Badbaado Waqooyi ayaa ka hadlay dulmiga iyo xasuuqa ka socda Falastiin, isagoo ku eedeeyay Israa'iil in ay ka masuul tahay dhibaatada.
Maxaa la shaaciyey
- Xisbiga wuxuu muujiyay dareenka xanuunka ee ka dhashay xasuuqa dadka Falastiiniyiinta ah.
- Waxaa la sheegay in Israa'iil aysan marnaba keenin nabad tan iyo 1948.
- Xisbiga wuxuu ku eedeeyay Benjamin Netanyahu inuu yahay dhagar-qabe.
Macnaha guud
Warsaxafadeedkan ayaa ka tarjumaya dareenka xanuunka iyo walaaca ka dhashay xasuuqa Falastiin, iyadoo la xusayo dulmiga Israa'iil.
“Dhiig ay daadiso mooyee mid ay dhaydo, ha dhowrin.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan xaaladda Falastiin iyo sida ay u saameyneyso nabadda iyo xuquuqda aadanaha.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Warsaxafadeed
Markay qayloo naga soo gaadhey ciidaan u dhalanay, waa markii dulmigii dunida, calankii huwaanaa, ee lixda gees lahaa diyaaraado lagu keenaye, waan toosnay. Waayo, Waqooyi baa Shilal Yaalla!
Cadowgaa la soo caleemo-saaray culayskiisaan dareenay. Waxaan maqalnay dadkaa la xasuuqaayo qayladoodii, waxaa na damqay sebiga ooyaya, waxa na dhaawacay hooyooyinka barooranaya, waxaan ka xanuunsanay Aabbaha loo awood sheegtay ee muruq, maal iyo maanba laga maroorshey. Waxaa noo muuqtay in aanaan ku xigno, oo aan shilalka naallo ama haadi inagu heehaabayso.
Darxumada Israa’iil (Israel), oo dunida dacaladdeeda laga dillaanshey, waxay soo hoynayso oo naan habaar iyo hadimo ahayn, waan arki weyney. Nabad kuuma sido oo ilaa iyo maalintay Falastiin xoog ku qaaday 1948, meel Israa’iil iyo erayga “nabad” ku kulmeen maynaan maqal, mana arag.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Wardheer News
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.