Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka ee u Adkaysiga Isbeddelka Cimilada iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaa
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana ay taageerayso Hay’adda Caalamiga ah ee Biyaha (GWPSA), ayaa si guul leh magaalada Muqdisho ugu qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha Magaalooyinka ee u Adkaysiga Isbeddelka Cimilada iyo Barnaamijka Maalgashiga Biyaha Soomaaliya (Somalia Water Investment Programme – WIP) 2026–2030.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay hay’adaha dowladda, saaxiibbada horumarinta, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo wakiillo ka socda waaxda gaarka loo leeyahay, si ay u ansixiyaan laba hindise oo muhiim u ah amniga biyaha iyo adkaysiga isbeddelka cimilada ee Soomaaliya.
Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa ansixinta mashruuca “Nidaamyada Kaydinta iyo Gurashada Biyaha Roobka ee Magaalooyinka Nugul ee Soomaaliya”. kaas oo lagu qiyaasay USD 25.8 milyan.
Mashruucan waxaa laga hirgelin doonaa magaalooyinka Xuddur (Bakool), Garbahaarey (Gedo), Matabaan (Hiiraan), Dhuusamareeb (Galgaduud), Laascaanood (Sool), iyo Badhan (Sanaag).
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan