Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Caasimada Onlinegeneral

Wasiir Fiqi “Mucaaradka gacmaha ayaa la idinka jabinayaa” + Qeyla dhaanta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya. Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in […] The post Wasiir Fi

SO
Sawir war oo la xiriira Wasiir Fiqi “Mucaaradka gacmaha ayaa la idinka jabinayaa” + Qeyla dhaanta mucaaradka
Sawir / xog muuqaal ah · Caasimada Online

Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad u jeediyay mucaaradka, isagoo sheegay in gacmaha la jabin doono haddii ay hubeysan yihiin.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay.
  2. Wasiirku wuxuu xusay dhacdadii September ee sanadkii hore, halkaas oo koox mucaarad ah ay weerar ku qaadeen saldhigga Degmada Wardhiigley.
  3. Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay hadalka Wasiir Fiqi, waxayna ku baaqeen in ciidamada qalabka sida ay ilaaliyaan dastuurka.

Macnaha guud

Xiisadaha siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda ayaa korodhay ka dib mudo xileedkii dowladda oo ku ekaa 15-ka May.

“Maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa”

Wasiir Axmed Macallin Fiqi
Muqdisho

Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hanjabaadaha ka imaanaya dowladda.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Caasimada Online

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Axmed Macallin Fiqi ayaa hanjabaad kulul u jeediyay kooxaha mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Wasiir Fiqi hadal uu jeediyay wuxuu ku sheegay in aysan jirin cid mucaaradka ka tirsan oo weerar lagu yahay, balse wuxuu ka digay cid kasta oo maliishiyaad hubeysan soo kaxaysata in gacmaha la jabin doono cideey doonto ha ahaado.

“Wax idiin soo weeraraya ma jiraan, walaa xoogga dalka, nabadsugid iyo boolis, haddii la idiin soo weerarayo af-xumadiina iyo dhaqan xumadiina mar hore la qaban lahaa, cid idiin soo socota ma jirto, laakiin maliishiyaad maalinkaad qaadataan gacmahaa la idinka jabinayaa” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Faqi.

“Hadalkaygii maanta waxaa uu tilmaamayay dhacdo laga soo gudbay oo kooxdani ay si bareer ah ku weerareen ayagoo hubaysan saldhigga Degmada Wardhiigley sanadkii hore bishii September, oo dawladdu aysan ka falcelin weerarkoodii, haddii laga falcelin lahaana uu xaalku intaas ka xumaan lahaa” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Isha: Caasimada Online. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Caasimada Online
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralfiqimucaaradkawasiir
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.