Wasiir Rooboow oo kormeeray hoteelada xujeyda Soomaaliyeed
Rooboow oo Makka kormeeray: 11,615 xaaji Soomaaliyeed oo si habsami leh loo raray Makkah, 25 May 2026 – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali, ayaa maanta kormeer ku tegay hoteelada Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed, iyadoo qeybtii ugu horeysay ay gaartay Mina, si loo hubiyo in ay si habboon […]
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Rooboow oo Makka kormeeray: 11,615 xaaji Soomaaliyeed oo si habsami leh loo raray
Makkah, 25 May 2026 – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali, ayaa maanta kormeer ku tegay hoteelada Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed, iyadoo qeybtii ugu horeysay ay gaartay Mina, si loo hubiyo in ay si habboon ugu gudaan acmaasha Xajka.
Kormeerkani wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay xilligan, iyadoo sanadkan ay ka qeyb galayaan 11,615 xaaji Soomaaliyeed oo ka mid ah malaayiinta xujeyda caalamka. Wasaaradda Awqaafta ayaa dadaal weyn ku bixineysa sidii loo fududeyn lahaa safarka iyo joogista xujeyda, iyadoo tiro badan oo iyaga ka mid ahi ay markii ugu horreysay xajka u tagayaan.
“Waxaan xogwareysanay qaar ka mid ah xujeyda iyo howl-wadeenada rarayo, waxaana la dardaarmay in si masuuliyad ah loo guuriyo xujeyda,” ayuu yiri Wasiir Sheekh Mukhtaar Rooboow intii uu ku guda jiray kormeerka. “Wasaaraddu waxay ku dadaaleysaa sidii xujeyda Soomaaliyeed si wanaagsan ay ugu gudan lahaayeen acmaasha iyo waajibaadka Xajka.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan