Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Korea–Africa Ministerial Meeting oo ka dhacday magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya. Shirkaan ayaa isugu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Republic of Korea, si
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka Korea–Africa Ministerial Meeting oo ka dhacday magaalada Seoul ee Jamhuuriyadda Kuuriya.
Shirkaan ayaa isugu keenaya wasiirrada arrimaha dibadda iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socda dalalka Afrika iyo Republic of Korea, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga, horumarinta koboc waara, iyo dardargelinta danaha ay wadaagaan ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirkan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya ballaarinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo kuwa dhaqaale ee ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, iyada oo diiradda saareysa kobcinta iskaashi miro dhal ah, soo jiidashada maalgashi, horumarinta hal abuurka iyo xoojinta awoodaha hay’adaha dalka.
Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ayaa ah madal muhiim u ah wada hadalka iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriya, iyadoo lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah isla markaana lagu dhiirrigelinayo horumar iyo barwaaqo waarta.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan