Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Seoul Kula Kulmay Dhiggiisa Masar
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Seoul kula kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, xilli ay labaduba ka qeyb galayaan Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika. Kulanka labada w

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Seoul, Kuuriyada Koonfureed – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Seoul kula kulmay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba-joogta ee Jamhuuriyadda Carabta Masar, xilli ay labaduba ka qeyb galayaan Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika.
Kulanka labada wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha kale ee muhiimka u ah labada dal.
Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta midnimada dalka, madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa caddeeyay sida ay dowladda Masar uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan